Tacsiyo:Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo manta ka tacsiyeyey geeridii Wariye Axmed Xasan Colaad

57

Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis

ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Wariye Axmed Xasan Colaad oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdiraxmaan iidaan Yoonis ayaa Ehelada marxuumka iyo guud ahaan bahda saxafadadda uu ka tirsanaa uga tacsiyadeeyey geeridiisa,wuxuuna Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka Waraabiyo.

Alla haunaxriisee Marxuum Wariye Axmed Xasan Colaad oo in muddo ah ku xanuunsanayay Muqdisho ayaa xalay Saqdii dhexe ku geeriyooday Isbital kuyaala Degmada Boondheere,sida ay sheegeen Eheladiisa.

 Axmed Xasan Colaad ayaa ka tirsanaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA,oo uu ka howlgalayay tan iyo intii Idaacadaasi ay jirtay,sida ay kuwaramayaan howlwadeenada VOA oo ay la soo shaqeeyeen marxuumka geeriyooday.

You might also like More from author

Comments are closed.