Dhageyso: Prof. Samatar oo iska Casilay Xubinta Dowladda Somalia uu u haayay iyo isaga oo ku wajahan Hargeysa

39

hgghukgyvfhg

Wararka soo gaaraya Xarunta Shabakadda Soomaalidamaanta ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Prof Ahmed Ismacil Samatar uu iska Casilay Xildhibaanimadii Dowlada Somaliya uu u hayay, waxaana la filayaa in dhawaan uu Safar ugu ambabixi doono  Magaaladda Hargeysa.
Dhageyso Wareysiga Prof Samatar: [audio:http://realaudio.rferl.org/voa/SO/manual/2013/04/26/40d8e232-39c7-4343-ac82-223571ee4b0f.mp3]
Prof Ahmed Ismaciil Samatar ayaan ilaa iyo iminka Is casilaadiisa ka shaacin Warbaahinta balse waxa uu Istiqaaladiisa marka hore u gudbin doono Dowladda Somalia kadibna waxaa la filaya inuu ka shaacin doono Warbaahinta ku hadashay Afka Somalia.

Prof Samatar ayaa dhaliilay Siyaasadaha is Khilaafsan ee barbar socda u dhexeeya Dowladda Somalia iyo Maamulada Dalka Somalia, isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay Maamulada is mooda inay ka quwad badan yihiin Dowladda Somalia oo Ictiraaf Caalami heysata.

Si kastaba ha ahaatee, Arrintaani ayaa waxa ay ku soo beegmeysa Xilli muddooyinkaan Wafdi uu Hoggaaminaayay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ku sugan yihiin Dalka Maraykanka iyadoona Safarkiisa ka hor la sheegay inuu Magaaladda Madaxda Maraykanka kulan kula qaadan doono Prof Samater.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.