Deg deg:Meydadka dhowr qof oo ay ku jiraan Rag ku labisan dareeska ciidamada….

58
  1. Wararka naga soo gaaraya agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in halkaa uu yaalo Meydadka dhowr qof oo ay ku jiraan Rag ku labisan dareeska ciidamada.

    Meydadka qaar ayaa la sheegay inay yihiin dad shacab ah oo la kulmay rasaasta iyo Qaraxa ka dhacay afafka hore ee Madaxtooyada Somalia.

    Meydadka ragga ku labisan dareeska ciidamada ayaa la sheegay inay la socdeen Gaari la dhigay halka laga galo Villa Somalia, waxaana looga shakisan yahay inay ka mid ahaayen maleeshiyaadka al-Shabaab ee doonaayay inay gudaha u galaan Villa Somalia.

    Meydadka ayaa waxaa ku jira ilaa Seddex Haweena oo la sheegay inay ku jiraan Haween halkaa ku iibinaayay Qaad, halka qaarna ay waxyeelo kasoo gaartay rasaasta ay is weydaarsanayeen ciidamada Koofi Casta iyo kuwa Shabaab ee awooda kaga soo gudbay Jagbuuntiga Sayidka ee baaritaanka ka socday.

    Ciidamada Dowlada ayaa sidoo kale ku heeraarsan Gaadiid looga cararay inta u dhexeysa Hoteel SYL oo ku yaala iridka Villa Somalia iyo Masjidka Isbaheysiga ee ku dhow Isgooyska Sayidka, kuwaa oo dadkii la socday ay ka carareen rasaasta.

    Sidoo kale, waxaa jawi cabsi leh laga dareemayaa wadada Makka Al-Mukarama oo ay tuban yihiin ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo si adag u baaraya gaadiidka Raaxada iyo kuwa hubeysan.

    Geesta kale, waxaa Meydad iyo dhaawacyo laga soo gurayaa afafka hore ee Xarunta Nabadsugida (Maama Khadiijo), halkaa oo uu ka dhacay Qaraxii labaad oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah.

You might also like More from author

Comments are closed.