Koonfur Galbeed:Wasaaradda Dastuurka Koofur Galbeedka oo xiriirka u jartay Wasaaradda Dastuurka Federaalka

80
  1. Wasaaradda Dastuurka ee maamulka Koofur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in xiriirkii ay la lahaayeen Wasaaradda Dastuurka dowladda Federaalka, kaddib war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan.

    Qoraalka ka soo baxay Wasiir C/llaahi Sheekh Xasan ayaa lagu sheegay in dafiraad weyn loo geystay Wasaaradda Dastuurka Koofur Galbeed, isla markaana uu dafiraadaas ka dambeeyay Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

    Sidoo kale dafiraadaasi ayaa lagu macneeyay in ay timid, kadib markii booqasho la filayay in Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya oo ay qeyb ka ahaayeen Guddiyada Dastuurka labada gole ay ku tagi lahaayeen Baydhabo ay baaqatay, isla markaana aan Wasaaradda Dastuurka lagu soo wargelin.

    Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddiyada Dastuurka ayaa safaro ku kala bixinayay deegaanada maamul goboleedyada, kaasoo la xiriira sidii wadatashi loogu soo sameyn lahaa Dastuurka, lalana kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada deegaanka.

You might also like More from author

Comments are closed.