Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira  Dil iyo Darajo Qaadis….

132

Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira  Dil iyo Darajo Qaadis ku ridday C/naasir Xoosh oo dilay EX. Abaanduulihii Ciidanka Badda Soomaaliyeed Siciid Aadan yuusuf (Siciid Mariino).

Kadib dhagayesiga dacwadda loo haystay C/naasir Xoosh oo maalmahan ay maxakamadda hortaalay ayaa la soo geba gebeyeey iyadoo go’aan ay ka gaartay Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxakamadda.

Admiral Siciid Aadan yuusuf (Siciid Mariino) ayaa lagu dilay gudaha Dekedda Muqdisho 19kii bishii tagtay ee Janaayo 2018,wuxuuna dowr muuqda uu ku dhexlahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay.

You might also like More from author

Comments are closed.