Kulan Caalami ah oo looa hadlayay Nabad Gelyada dalka oo ka dhacay Muqdisho

41

golaha

Kadib shir ay isugu Yimaadeen Madax ka socota dowladaha ay Ciidamadu ka Joogaan Soomaaliya ee La isku Yiraahdo AMISOM , Madax ka socota dalalka Ingiriiska iyo Turkiga , Masuuliyiin ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka dhacay Garoonka Aadan Cadde Air-Port ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ahaa Mid ay Masuuliyiinta dowladda ee Ka qeyb gashay ay ugu Gudbinayeen warbixinno Ku aadan Amniga dalka Masuuliyiinta ay La Kulmeen ayaa ahaa Mid Saxaafaddu dibad Joog ka ahayd.

Kulanka ayaa Markii uu soo Idlaaday kadib waxaa si wada Jir ah Warbaahinta Ula hadlay La taliyaha Amniga qaranka ee Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Ingiriiska.

C/Raxmaan Sheekh Ciise Lataliyaha Amniga qaranka dowladda Soomaaliya Ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in ay Ku tar tarsiiyeen Masuuliyiinta dowladaha ciidamadooda ay Ka Joogaan Soomaaliya in ay si Laba Jibbaaran Howl Gallada ay dowladda Soomaaliya uga gacansiinayaan Xaqiijinta Amniga iyo Nabad Gelyada dalka isagoo sheegay in ay isku afgarteen qodobadii ay Kawada hadleen.

Dhimaca kale Allever Robens oo ah La taliyaha Amniga qaranka UK ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska ay aad uga Caawin doonto sugida Amniga dalka.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah Kulamo Ammaanka dalka Looga hadlayay oo si isadaba Joog ah uga dhacayay qeybo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.