Xog xasaasi ah:Dowlada Mareykanka oo Saldhig aad u hormarsan kafuraneysa Soomalia

140

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Mareykanka ay wado qorsho ay Saldhigyo Militery uga dhisaneyso Degmooyin hor leh oo hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.

Ilo ku dhow dhow Saraakiisha ciidamada Militeriga Mareykanka ee ka howlgala Somalia ayaa xaqiijiyay in Saldhigyadaasi dhawaan laga dhisi doono Degmada Awdheegle iyo Sablaale oo kawada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Saldhigyadaan ayaa la sheegay in laga damacsan yahay nabadeynta Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana si rasmi ah uga howlgali doona Saraakiil iyo Ciidamo Mareykan ah oo ay wehlin doonaan Ciidamo ka tirsan Militeriga Somalia.

Saldhigyadan ayaa la sheegay in laga difaaci doono dhammaan baraha ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana suuragal ah in halkaa laga hago duqeymaha cirka ee uu Mareykanka ka fuliyo Somalia.

Sidoo kale, maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa laga sugayaa diyaarinta Goobaha laga dhisaayo Saldhigyada Mareykanka ee laga xoojin doono howlgalka Mareykanka.

Geesta kale, qorshahaan ayaa waxa uu kusoo beegmaaya xili qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Hoose ay kusoo laabatay gacanta dowlada.

You might also like More from author

Comments are closed.