Bulshada Rayidka oo ka qayb gelaysa Shirka Londan lagu qaban Doono

38

Rayidka

Ururada bulshada Rayidka ee dalka ka jira qaarkood ayaa ka qeybgali doona shirka London iyada oo doorkoodu yahay la talin.

Waxa ay shalay kulan la qaateen xoghayaha arrimaha dibada Ingiriiska William Hugue, waxayna is weeydaarsadeen aragtiyo kala duwan. ‘

Ururada ayaa aragtidooda iyo fikirkooda iyo talooyinkooda ku biirin doona shirka London, iyagoo isku dayaya in ay saameeyaan natiijada shirka iyo go’aamada kasoo baxaya.

Waxaa xusid mudan in daladaha waxbarashada ee dalka ka jira ay markani door weyn ka ciyaarayaan buslahada rayidka dhexdeeda maadaamaa shirka London waxyaabaha uhu waaweyn ee lagaga hadlayo ay tahay waxbarashada.

Xuquuqul Insaanka iyo amaanka ayaa iyaduna ah qodobo muhiim ah oo shirka lagaga hadlayo, dowladda Soomaaliyana waxay rajaynaysaa in shirka oo ay ka qeybgalayaan 40 dal uusan noqonin mid magac u yaal ah.

Markii ugu horeysey madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagu shir gudoominaya shirka London, halkii shirkii hore ay dowladda Soomaaliya ka mid ahayd martida shirka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.