Barre Hiiraale oo Kismaayo muran ka dhaliyey

33

Barre-Hiiraale

Col. Bare Aadan Shire Hiiraale oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka oo dhawaan si aan la ogeyn ku tagay Kismaayo ayaa wararka kasoo baxaya waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhaliyey muran.

Tagitaankiisa Kismaayo ayaa waxa ay keentey in ay hakadaan hawlihii ololaha doorashada shirka maamul u sameynta Jubbaland, waxaana hadda diirada la saarayaa sidii isaga looga saari lahaa Kismaayo.

Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa dalbaday in Barre magaalada laga saaro, kadib markii uu Barre u tagay ciidamo degen warshada hilibka oo ay isku beel yihiin kuwaasoo halkaasi fariisin ku leh, kana mid yihiin qaar ka mid ah ciidamadiisii hore.

Barre ayaa Kismaayo ku yimid doon dheereysa oo uu kaga yimid oo uu kaga soo kicitimey magaalada Muqdisho oo intii muddo ah ku sugnaa.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.