Wasiir soo Bandhigay Hal Arin oo Somalia ka Hortaagan Doorasho Qof iyo Cod

29

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa faah faahiyay qorsha dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka oo ay Wasaaraddu Wado.

Wasiirka ayaa marka hore ka hadlay kormeer howleed uu ku tegay deegaano ka tirsan Puntland iyaga oo wada tashi kala sameeyay Madaxda iyo Bulshada Dowlad Goboleedka Puntland.

 

 

Waxa uu sheegay in qorshahaas uu ahaa sidii wadatashi loola sameyn lahaa Bulshada iyo Madaxda Puntland taas oo ay qeyb ka ahaayeen Golaha Wasiirada oo ay horay ugu soo sameeyeen deegaano farabadan oo ka tirsan Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Ka Wasaarad ahaan ayuu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo ku xiran dhameystirka Dastuurka dalka sida in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah laakin hadii la waayo taasi ay keeneyso in dadku ay galeen doorasho dadbadan sidii Dowladda Xaan Sheekh Maxamuud.

You might also like More from author

Comments are closed.