Ciidamada Dowladda oo dhul muhiim ah kala wareegay Ururka Al Shabaab

26

ciidan

Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sii kordhiyeen dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Ururka Al Shabaab, oo xiriir toos ah la leh Ururweynaha Al Qaacida.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay maanta duulaano ku qaadeen Deegaanka Kulan Jareer, oo ku yaala inta u dhaxeyso Magaalada Xudur iyo Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa waxay kula dagaalameen Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay isaga carareen Deegaanka Kulan Jareer, ka gadaal markii dagaalo lama filaan ahaa, ay ku soo qaadeen Ciidamada Militariga ee Dowladda.

Dagaaladaan ayaa waxaa ku dhintay ilaa shan askari oo dhinacyadii dagaalamay ah, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay 6 askari oo labada dhinac ah.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Kulan Jareer ayaan wax khasaaro ah ka soo gaarin dagaaladaan, oo u muuqday inay ahaayeen kuwo qorsheysan, oo ay soo qaadeen Ciidamada Dowladda oo kaliya.

Caawa waxaa deggan xaalada Deegaanka Kulan Jareer, waxaana si rasmi ah ugu sugan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.