Laba nin oo goor dhaw oo caawa ah lagu dilay Magaalada Muqdisho

41

dilQorsheysan

Laba nin oo rayid ah ayaa waxaa caawa lagu dilay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana ilaa iyo iminka si cad loo garaneyn cidii ka dambeysay dilka labadaan nin.

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa waxay labadaan nin ay ku toogteen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana la dilay xilli Masaajidka Ramadaan ay ku soo tukadeen Salaaddii Cishaha ee caawa.

Labada nin ee la dilay ayaa waxaa mid ka mid ah dhalay ganacsadaha caanka ah ee Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah ganacsatada sida weyn leh looga yaqaano Magaalada Muqdisho.

Ninka kale ee isna la dilay ayaa wuxuu horey uu u soo noqday Gudoomiye Ku Xigeenkii Maxkamada Gobolka Banaadir ee Dowladdii Madaxweyne Siyaad Barre.

Laguma guuleysan in gacanta lagu soo dhigo raggii ka dambeeyay dilka labadaan nin, iyadoo aan ilaa iyo iminka la garaneyn sababtii ka dambeysay dilkooda.

Iskusoo wada duuboo majirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.