M/Cadaaladda Adduunka War kasoo saartay Kiiskii Badda ee Somalia iyo Kenya

78

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa qoraal ay kasoo saartay Kiiska dacwadda Badda ee dalalka Somalia iyo Kenya ku dalbatay inay Soomaaliya soo gudbiso jawaab.

Qoraalka kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu Caddeeyay inay maxkamadda oo ah tan rasmiga ah ee metesha Q/Midoobay ay ogolaatay inay dowladda Federaalka Soomalaiya soo gudbiso jawaabteeda.

Maxkamadda ayaa hore u ogolaatay inay qaado dacwadda ka dhaxeysa Somalia iyo Kenya ee dhinaca badda oo ay Soomaaliya gudbisay, iyadoo dowladda Kenya qoraalkeeda ay dhowaan u gudbisay maxkamadda ayaa jawaabta Soomaaliya loo qabtay ilaa 18 June 2018, iyadoo maxkamadda ay labada dhinac siisay inay keenaan qoraaladooda ilaa 18 Disembar 2018.

You might also like More from author

Comments are closed.