Gobolka Wajer: Meydadka dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu arkay

31
  1. Booliska Kenya ayaa sheegay inay heleen meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoolagu dilay dagaal ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Katulo ee Gobolka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

    Dagaalamayaashan ayaa ka mid ahaa kooxdii weerartay saldhiga, waxaana booliska ay sheegeen in lagu dilay dagaal socday muddo labo saacadood

    Taliyaha Booliska Gobolka Wajeer Stepehen Ngeitich ayaa sheegay inay jiraan dagaalamayaal kale oo u baxsaday dhanka keymaha.

    Ciidamo fara badan oo kenyan ah ayaa la geeyay dhinaca xuduuda Kenya iyo Soomaaliya, si ay u baadigoobaan kooxdii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerartay Saldhiga Booliska.

    Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ka geysanayay gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada xadka u dhow.

You might also like More from author

Comments are closed.