Video Golaha Badbaadada KGS oo Biyo Gaarsiiyay Xerooyinka Barakacayaasha Baydhabo

163

Waxaa maanta 11 Febraayo 2018 Golaha Badbaadada KGS uu gaarsiiyay sideed booyadood oo biyo ah ilaa sideed xero oo ka tirsan xerooyinka barakacayaasha ee Magaalada Baydhabo.   Xerooyinkaas oo ay ku jiraan dad ka soo barakacay deegaanada qaar ee Bakool iyo Gobolka Bay. Xerooyinka lagaarsiiyay biyahaas waxaa ka mid ahaa:

  1. Bulofullay 173 qoys
  2. Daniya.    151 Qoys
  3. War Isgoow 125 Qoys
  4. Abal No.3  167 Qoys
  5. Abal No. 3. 175 Qoys
  6. Ifo.    178 QOys
  7. Abal No. 4. 132 Qoys
  8. Hand No.2. 249 Qoys

Xerooyinkaas waxaa la gaarsiyay sideed booyadood oo biyo ah, oo booyadiiba ay qaaday 50 fuusto.

Qarashka ku baxay iyo agaasinka howsha ayaa waxaa iska soo ururiyaya xubno ka tirsan Golaha badbaadada KGS iyo  muxsiniin kale.

Barakacayaasha ayaa waxaa ka muuqatay in dhibaatooyinka ugu badan ay yihiin hadda biyo yari, taas oo laga dareemayo inta badan degmada Baydhabo iyo agaarkeeda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Mustafa Mo’allim Isaaq

Xoghayha  Xiriirka Arimaha Bulshada ee Golaha Badbaadada KGS.

Email. salvationcouncil@gmail.com

 

You might also like More from author

Comments are closed.