Dhoofinta dhuxusha oo si dar dar leh kaga socota Dakadda Kismaayo

62

Dakadda Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa waxaa si dar dar leh kaga socda dhoofinta dhuxusha, kadib markii shalay ay halkaasi ka baxeen doomo badan oo sida dhuxul.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u sheegay illaa 20 Doomood oo dhuxul sida inay ka ambabaxeen Dakadda Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo u dhaqaaqay dhanka dalalka Khaliijka si ay halkaasi dhuxusha u geeyaan.

Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, laakiin mamnuucistaasi ka sokow si dhuumaaleysi ah ayaa maalin waliba looga dhoofiya dakadda Magaalada Kismaayo.

Illaa 20 Doomood oo dhuxul sida ayaa ka dhoofay Dakadda Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo u dhaqaaqay dalalka Cumaan, Imaaraadka Carabta Iyo Iran si ay halkaasi dhuxusha u geeyaan.

Wararka ayaa sheegaya dhuxushan oo si dhuumaaleysi ah looga dhoofiyo dakadda Magaalada Kismaayo qarash badan inuu ka soo galo Maamulka Jubbaland oo Magaalada Kismaayo gacanta ku haayo.

Dadka Magaalada Kismaayo kama hadli karaan arrimaha ku saabsan dhuxusha iyo ammaanka Magaaladaasi, sababtoo ah Maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe la soo baxay dhaqan cusub oo ah ruuxii wax ka sheega maamulka in la xiraayo.

 

You might also like More from author

Comments are closed.