Video Wasiirada Kaluumeysiga iyo Howlaha Guud oo Baydhabo kulamo kula leh madaxda K/Galbeed Soomaaliya

144

Wasiirada Kaluumeysiga iyo Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa halkaasi kulamo kula leh madaxda Dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya.

Mudane Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi wasiirka Kaluumeysiga Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U dhiska Soomaaliya Saadaq C/laahi Cabdi ayaa kulamada ay la leeyihiin madaxda K/Galbeed waxa ay ku saleysan yihiin Horumarinta kaabayaasha Dhaqaalaha, gaar ahaana Horumarinta Kaluumeysiga iyo Dib u dhiska Jidadka.

Masuuliyiintaan ayaa sheegay in waxyaabaha kasoo baxa kulamada Baydhabo la dhaqan gelin doono, taasi oo wax badan ka tareysa Wax soo saarka Kaluumeysiga iyo sidoo kale dib u dhiska dalka.

You might also like More from author

Comments are closed.