DAD KASOO JEEDA SOOMAALILAND OO KU HAWLAN 27 SANADOOD ISKA HORKEENKA KOONFURTA SOOMAALIYA

45

Wax walba taariikhdaa qoraysa,nin waliba waa ogyahay xaalada ka jirta maanta.dalkeenu waxa uu galay dagaal sokeeye,oo burburiyay dalkeenii,dadkeenii,dhaqaalaheenii hadaynu nahay umada soomaaliyeed. Waxaana keenay markii dawladnimadii meesha kabaxday,oo ay luntay sharcigii iyo kala danbayntii. halkan waxaad ka fahmaysaa xanuunka iyo dhibaatada ay leedahay dawlad la aantu iyo sida aan looga maarmin dawladnimo.

Dal walbaa aduunyada waxa uu ku dhisan yahay dadkiisu dawladnimo,waxay ku hormaraan dawladnimo,waxay nabad ku helaan dawladnimo.hadaba dalkeenu markuu lumiyay dawladnimadii,ayaa dadkii soomaaliyeed ee kasoo jeeday gobolada waqooyi galbeed ee soomaaliya,waxay samaysteen oo dhisteen dawlad iyagoo ku dhawaaqay in ay ka go een soomaaliya inteeda kale. waxay sheegeen in ay la soonoqdeen dawladnimadoodii ay 1960 iyagoo soomaaliland ah ku biireen walaalahooda koonfureed.

Waxay noqdeen dawlad gooni u taagan,oo ah SOMALILAND. laakiin ilaamaanta mahaystaan aqoonsi dawladnimo oo caalami ah. dhanka kale koonfurta soomaaliya oo uu guumaysan jiray TALYAANI waxaa ka jiray xasiloonidaro,is dhex yaac iyo amaan la aan mudo aad u dheer.Soomaaliland waxaa ka yimid oo koonfur yimid laba kooxood oo ka hawgala MOGDISHO. wax yar ayaan ka sheegaynaa waxay kala yihiin.

1.Koox waa in aad iyo aad u yar oo wadaniyiin ah,waxay jecel yihiin wada jirka iyo midnimada umada soomaaliyeed,waxayna ka xun yihiin dhibaatada dalkeena ka dhacday iyo dawlad la aanta ina haleeshay. Kolkaa waxay baadi goob uugu jiraan in aynu soo ceshano dawladnimadeenii iyo sharafkeenii soomaalinimo,waxay dhulka ka qaadayaan calankeena dhulka lagu jiiday nus qarni. waxaa kamid ah kooxdan Wadaniga wayn madaxa aqalka sare CABDI XAASHI CABDULLAAHI iyo inta raacsan isaga oo la midka ah. waxay kasoo horjeedaan fikirka ah goosashada iyo dawlad gaara ayaanu nahay.iyo cidkastoo kala qoqobta soomaaliya oo kala qaybisa.

2.Kooxdan labaad waxay u yimaadeen koonfur in ay ka fuliyaan laba mashruuc oo baabi iyay koonfur halisna ku ah ilaa maanta. hadaan ku horayno mashruuca koobaad iyo waxa uu yahay iyo cida fikirka leh oo maal galisay waa sidan. waxaan u kala qaadaynaa A iyo B.

A. Dawlado waa wayn oo ay wakiil utahay Eithiopia oo la ah shuraako dawladahaas,ayaa waxay koonfur iyo MOGDISHO soo galiyeen dagaaladii sokeeye iyo dawlad la aanta iyagoo ka faa iidaysanaya,dhalin yaro lasoo taba baray oo laaya dadka wax garadka ah ee koonfurta soomaaliya,kuwaas oo dhagaro aan la qiyaasi karayn ka fuliyay MOGDISHO iyo koonfur.Saad wada ogtihiina waxay markii danbe u xuubsiibteen ku gabasho arimo diineed oo afkay soo duubteen,dadka intii hartay ayay gawraceen.

Lacago xoogleh oo dibada uuga imanaysay ayay dhalintii koonfureed ku askaraysan jireen! hubkana Eithiopiaa bixinaysay.dhibkay u gaysteen cadawgaasi koonfur lagama sheekayn karo,fuliya yaashana waa dad la isticaalay oo dadkoodi lagu jabiyay uun. waxay arintaa ka faa iideen majirto oo aan khasaaro aduun iyo mid aakhiro ahayn.

B. Kooxdan waxay wadaan mashruuc lagu kala gaynayo dadka koonfureed,waxay isu tusiyaan in ay yihiin niman Irir ah oo la dhashay beelaha koonfurta beel kamid ah,iyagoo ah reer sheekh isaxaaq binu haashim!! waxayna rabaan in aan la arag dhagartooda ay MOGDISHO ka fulinayaan.waxayna isleeyihiin maadaama soomaalidu taqaan qabiilka iyo qabyaalada kaga faa iidaysta. uugu horayn waxay dab iyo fidno kala dhex dhigeen madaxwaynihii hore dadkiisa iyo Genaraal caydiid dadkiisa.

Waa iskusoofeeyeen,oo isku baabasheen dadkaa walaalaha ah,kadibna waxay isku soofeeyeen oo isku direen kana shaqeeyeen Genaraal caydiid iyo Calimahdi oo ay dhinaca ku qabteen Generaal caydiid. waa isku haligeen oo isku direen si xun. kooxdan u jeedkoodu waxaa weeye in ay helaan aqoonsi iyo citiraaf,ah gooni isutaag. Hadaba si taa loo helo waa in koonfur ay ahaataa meel dadka lagu qasho oo quruntay oo dawlad lahayn iyaguna noqdaan kuwo leh dawlad nidaam iyo kala danbayn kolkaa i aragweeye aduunkiiyoow oo i aqoonso. Mana jirto Soomaali dawlad ah oo aan ku biiraaye halay aqoonsado.

Kolkaa kooxdan waxay dhibkaa iyo dhagartaa u wadeen hadana uwadaan wax kale maha waa yaysan dagin oo yeelan dawlad koonfuri waligeed ilaa lagaa aqoonsado. waxaa khalad iyo marin habaabin shaydaan.mana aha wax qof caqli lihi kufakaro.dadkan waxaa dhaqaalaha siiya maamulka SOOMAALILAND si mashruucaasi uga shaqeeyo koonfur.waxaasinaha maha mid ay u dhantahay dawlada soomaaliland waxaa wadaa dad yaroo maamulka qayb ka ah oo xagjir ah. kooxdani waa halis maxaayeelay ninku walaashanaya hadana faylaha ku goynaya oo kuu diidan dawladnimo iyo nabad waa yaab.

Wax ay kaheleen majiro dhagartoodaan,waana khasaareen aduun iyo aakhiraba hadaysan toobad keenin. isku dir koonfur dhexdeeda ah ayay wadaan har iyo habeen. Kooxdani waxay sababaan kacdoono ka dhaca mogdisho shirar hoose ayayna ku qabtaan magaalada,iyagoo ujeedadu tahay abuurid xasilooni daro tasoo ah mashruuca ay ka shaqeeyaan ee lagu lacagsiiyo.

Gabagabadii iyo Gunaanadkii

Waxaa waajib saaran yahay ciidamada sirdoonka dalka,inay soo qabqabtaan dadkaas cadawga ah ee ka shaqaynaya xasiloonidi darada magaalada MOGDISHO iyo iska horkeenka beelaha soomaaliyeed,ee koonfurta.waxaa hadafkoodu yahay in dawladi ka shaqayn MOGDISHO iyo koonfur iyo soomaaliya oo dhan.Kolka waa in ciidanku qabtaa shacabkuna soo sheegaa,guryaha iyo hoteelada iyo baararka ay fadhiistaan kuna shiraan.waana in lakala saaraa kuwa wadaniga ah ee dhisaya dawlada iyo dalka iyo kuwa cadawga ah ee soomaali dhagraya.

Waxaan leeyahay dawlada soomaaliland hakashaqayso wanaag guud oo soomaalinimo,ayadoo raadsanaysa gooni isu taag. Mana haboona in dhibka haysta koonfur iyo MOGDISHO dhib loogu sii daro oo lasii jaha wareersho.waxaa haboon nabada in laga wada shaqeeyo wixii u dhexeeya labada dawladood ee shalay isku darsaday halagu xaliyo wada hadal miis iyo nabad.Soomaalidu waa walaal aan kolaba kala maarmayn markaa yaan la talax tagin awalbaan khaati ka taagnayn shisheeyaha cadawga ah ee adeegsanaya dad soomaaliyeed.shacabka mogdisho ha iska qabteen cadawga dhex jiifa ee kusoo duulay halaagooda.

Waxaan qabaa in Soomaaliland hesho madax banaanideeda iyo gooni isu tageeda si nabad ah iyadana aan la dulmiyin iyaguna ay joojiyaan dulmiga.dadka soomaaliyeed waxay rabaan afti iyo codbaa lagu helaa,xoogmaha iyo dadkoo la dhameeyo.Nin walboo soomaali ah maanta waxaa deeqaa waa laba arimood waa dawladnimo iyo soomaalinimo oo kaliya.Ogaada dadka xun ee DAWLAD DIIDKA ahi waxay ka dhasheen reer walba waana dad yar oo inagu dhex jira,waa cadaw ehelna maha qofkasta ayay khatar ku yihiin oo soomaaliyeed,waxaa yaableh marabaan in ay indha hoodu arkaan soomaaliya oo dawlad ah nabad ah karaamo leh. dhanka kale iyagu waa soomaali hadana waa cadawgeena kuwo inooga siixun oo kasii daran kana sii cadawsan.

3 Sadex hadifaacato soomaalidu hadii kale qiimo ku yelayn mayso aduunka, WAA DIINTA,WAA DADKA,WAA DALKA IYO DAWLADNIMADA.

You might also like More from author

Comments are closed.