Dowladda Somaliya oo dib u fureysa Suuqii weynaa ee Ceel Garweyne ee Magaalada Muqdisho

31

tarsan

Dowladda Somaliya ayaa waxay maanta daboolka ka qaaday inay dib u fureyso Suuqii weynaa ee Ceel Garweyne ee Degmada Hawl Wadaag ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa wuxuu maanta uu shaaca ka qaaday in dib loo furaayo Suuqa Ceel Garweyne.

Suuqa oo ku yaala Degmada Hawl Wadaag ayaa waxaa ka muuqaneysa burbur lixaad leh, iyadoo uu saameyn weyn uu ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dilaacay.

Tarsan ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Britain ay bixineyso dhamaanba kharashka ku baxaaya dhismahaan, sidoo kalana wuxuu sheegay in loo sameyn doono nalalka qoraxda ku shaqeeya.

Gudoomiyaha Degmada Hawl Wadaag ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar, ayaa wuxuu soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Duqa Magaalada Muqdisho.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.