Baafin Wiil Soomaaliyeed Ku Dhimanrabo Dalka Lichtenstein Fadlan Lasoo Xariir

59

BAAFINAYO !! Magaalada Vadus dalka Lichtenstein xero qaxoonti ama kaam ku yaal waxaa ku jira wiil Soomaaliyeedo aad u xanuunsanaya oon eheladiisi meel uusan ku sheegin. Wiilkan xanuunsanaya beerku go’ go’ay miskexdana looga jiro xaalad khatara ku nool marar badana isku dayay inuu isdilo waxaa lagu magacaabaa Aweys Isaaq, hooyadiina Sahra Rooble Geeddow oo sida la sheegay ku nool degmada Madiina ee magaala madaxda dalka Soomaaliya.

Marwo Khadro Shire Maxamed oo ka mid ah haweenkii guntiga dhiisha isaga dhigay ka warqabka iyo u gargaaridda wiilkan dhibbane u dhaxeeya nolosha iyo geerida la soo xidhiidhay Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya ayaa aqbilaad dabadeed teamka Southern Media waxaa ay kaamka ku booqdeen wiilka aadka u xanuunsanaya ehel la’aanta ah halistana ugu jira inuu naftiisi isdhaafiyo, waxaana goobtaasi warbaahintu ku wareysatay Mrs Khadra iyo Marwo Maryan Maxamed Xasan oo runtii saacad saacad talaabo talaabo ula socday xaaladda wiilkani, waxaana ay wareysigoodu ku caddeeyeen in wiilkani jiran uusan xitaa istaagi karin, marar badana xabsi uu galay dawaqmay beerkiisuna uu dhamaaday wax u kaxeeya dhaqtarka iyo meelaha la midka ahna aanay jirin bacdama qoys iyo qaraabo toona aanay u joogan dalka Lichtenstein islamarkaana xigtadiisi qaaradaha adduunka aan fara lagu haynin, keliya waxa la ogyahay ay tahay 8 sano kahor kolkuu imanayay nin abtigii Zurich Switzerland joogay uu ku soo dagay isagiina aan la ogayn halka uu ku dambeeyo.

Warbaahinta Koonfureed sido kale intii wareysiga ay wadday waxaa ay Khadro Shire Maxamed iyo Maryan Maxamed Xasan ay waydiisay haddii la helo ehelada Aweys Isaaq oo ku dhibaataysan magaalada Vadus halka iyo qofka ay kala soo xiriiri karayaan, waxaana su’aashaasi jawaabteedu ay noqotay in haddii la helo ama cid Allaaliyo ciddii taqaan ama doonaysa warka dhibbane Aweys Isaaq ay si toos ah kala soo xiriiri kadho samafale Khadro Shire Maxamed oo deggan magaalada Vadus ee dalka Lichtenstein tilifoonka lambarkiisu yahay 0041 789 517 477 Bowda rageed maalinba midbaa qaawan maantase waa Aweys Isaaq ina Sahra Rooble Geeddow gurmada oo gacmaha isqabsada laakiin !!

By: Ustad Adam Increase Vadus Lichtenstein

You might also like More from author

Comments are closed.