Dhageyso:-Taliyaha Xabsiga Dhexe Ee Baladweyne Oo Ka Jawaabay Eedeyn Uga Timid Xildhibaano Federaalka Ah

73

Taliska Xabsiga dhexe ee Magaalada Baladweyne gobolka Hiiraan ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka soomaaliya kuwaas oo dhawaan booqday gobolka Hiiraan eedaas oo ku saab saneyd in Maxaabiista la jirdilo.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Baladweyne Maxamed Cabdullaahi Siyaad (Cagaweyne oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Baladweyne ayaa waxa uu sheegay in Bishii hore ay Xabsiga soo booqdeen dhowr su’aalood oo ay weeydiiyeen uga jawaabeen.

Runtii Xabsiga ayay soo booqdeen su’aalihii ay naweeydiiyeen waan uga jawaabnay runtii xildhibaano ma’aheyn ee waxa ay ahaayen kuwo cadiifad qabiil ku jirtay mana aha waxa ay sheegayaan cid jirdil ku sameysa maxaabiistana majiraan waa xaqiiq hadalkeyga ayuu yiri taliyaha”

Weli wax jawaab ah kama soo bixin Xildhibaanada uu sheegay taliyaha in ay ka been sheegeen,waxaana Dalsan ay baadi goob ku heysaa sidii ay ku heli laheyd tiro Xildhibaano ah oo dhawaan koormeer ku tegay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan maadaama ay Xildhibaanadu fasax ku jiraan.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee taliyaha.

You might also like More from author

Comments are closed.