Dhageyso:-Axmed Madoobe Oo Lagu Eedeeyay In Uu Saraakiil Ka Eryay Magaalada Kismaayo

64

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay walaac ka muujiyay xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Kismaayo taas oo sababtay in Xabsiga la dhigo mid ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland.

Cabdi Rashiid Macalin Gaas, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Jubbada Hoose ayaa sheegay in Kismaayo waligeed ay dhibaato ka jirtay, isla markaana dadkii deegaan ahaan u deganaa laga musaafuriyay.

Waxa uu sheegay in sidoo kale dhibaato lagu qabo xiliyada laga soo degayo Garoonka Diyaaradaha,sidoo kalena Maamulka Jubbaland uu Kismaayo ka eryay Saraakiil badan oo ka mid ah Ciidamada xoogga dalka,isaga oo u adeegsaday Ciidamada Kenya sida uu hadalka u dhigay.

In kastoo xiisadii Siyaasadeed ee ka taagneyd Kismaayo ay xoogaa qaboowday ayaa hadana waxaa weli jira Siyaasiyiin iyo waxgarad eedeyn u jeedinaya Madaxda Maamulka jubbaland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdirashiid Macalin Gaas.

You might also like More from author

Comments are closed.