Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Jubbaland

88

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka taagan tahay Khilaaf xooggan oo soo gala dhex galay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Jubbaland  Sheekh Cabdi Maxamed iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Khilaafka ayaa soo jiitamaayay bilihii lasoo dhaafay sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland ay Mooshin ka gudbeen Golaha Jubbaland,waxaana la sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uusan xil iska saarin Mooshinka ka dhanka Golihiisa Wasiirradda.

Waxaa sidoo kale Khilaafka uu ka dhashay doorashadda maamulka Jubbaland oo lagu waddo in ay dhacdo dabayaaqadda Sanadkaan.

Khilaafka ka dhex taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa sameyn ku yeeshay Hay’addaha kala duwan ee maamulkaasi.

Wasaaraddaha maamulkaasi ayaa la sheegay in aysan xilliggaan ka socon wax shaqo.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in ay hanjabaad culus kala kulmeen Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Wasiir ka mid ah Wasiirrada Jubbaland ayaa Risaala u xaqiijiyay khilaafka soo gala dhex galay labadda mas’uul, islamarkaana waxgaradka Magaalada Kismaayo ay ku guuldareysteen in ay xaliyaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la doortay Markii Labaad Sanadkii 2015-tii doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaana hadda u taagan yahay xilka Markii 3-aad.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan dhammaan gobolka Jubbadda Dhexe, iyo sidoo kale qeybo ka mid ah Jubbada Hoose.

You might also like More from author

Comments are closed.