Xoghaye Dibadeedka Ingiriiska oo Muqdisho gaarey

44

 

Xoghayaha arimaha dibada ee UK Willium Hague ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho halkaas oo ay uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon.Booqashada xoghayaha arimaha Dibada ee UK ee Muqdisho ayaa loo badinayaa inay salka ku hayso udiyaar garoowga shirka 7 may ka dhacaya UK ee looga hadlayo arimaha Somalia, shirkaas oo ay wada gudoomin doonaan Ra’iisul wasaare David Cameron iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Xoghayaha ayaa maanta dib ufuray safaaradii UK ee Somalia oo mudo dhan 22 sano xidhnayd.

Dowlada UK ayaa labadii sano ee udambeeyay muujisay danaheeda ku aadan Somalia iyadoo si toos iyo si dadbanba ugu leh arimaha siyaasada iyo gargaarka bini aadamka ee Somalia.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.