DEG DEG:RW Xasan Khayre oo Seeftiisu dul saaran tahay Wasiiradii ugu badnaa & Isku Shaandheyn Cusub + Magacyada Wasiirada shaqada laga Eryayo

73

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Khayre uu isbedel ku sameeyo gollihiisa Wasiirada, isagoona haatan ku hawlo shaqo ugu maqan dalka dibadiisa.

Soo laabashada Ra’iisal wasaare Khayre ayaa kadib isbedel ku samayn doonaa xukuumada hadda jirta, waxaana qorshaha isbedelkaasi lagu samaynayo la sheegay inaanu ku jirin in xil ka qaadis ama xil bedel lagu sameeyo Wasiiradii dhawaan la magacaabay sida Wasaaradaha Gaashandhiga, Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha.

Xogta aan ilaa iyo hadda helayno ayaa sheegaysa in isbedel iyo xil ka qaadis uu ku saamayn doono Mr. Khayre ilaa 6 Wasiir oo kala ah:-

1-Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Somalia Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dutch Casino Fires CEO After Making Thousands Rich by Mistake

 2-Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

3-Wasiirka Arrimaha Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

4-Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac.

5-Wasiirka Cadaalada Xasan Xusein Xaaji.

Sidoo kale Ra’iisal wasaare Khayre ayaa buuxin doona ilaa Saddex Wasaaradood oo aan iminka loo hayn Wasiiro, kuwaa oo ay kusii shaqeeyan Wasiir ku xigeenada oo xilalka sii haya.

Wasiiradan kor ku xusan qaarkood ee xilka wayn doona ayaa waxaa booskooda lagu buuxin doonaa Wasiiro cusub oo qurba joog ah.

Wararka Warsidaha idalenews.com – Muqdisho

 

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.