Ciidamada Jubbaland Oo Kismaayo Ku Rasaaseeyay Dad Banaanbax Dhigayay

59

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Jubbaland ay rasaaseeyeen dad ku banaanbaxayay Gudaha Magaalada Kismaayo.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa la sheegay in ay ka cabanayeen burburin lagu haayay Guryo ay ka degan yihiin oo ku yaalla Xaafada Daad Yaanbo ee magaalada Kismaayo,waxaana rasaastas ka dhashay khasaaro dhaawac u badan.

Wararka ay Wadani News24 heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 3 (Saddex ) Ruux ay ku dhaawacmeen rasaasta ay fureen ciidamada Jubbaland kuwaas oo ka mid ahaa dadka banaanbaxa dhigayay.

Xaalada Kismaayo ayaa haatan ah mid degan,waxana weli arrintaan ka hadlin Maamulka Magaalada Kismaayo,iyada oo la burburiyay Guryaha qaar ay dadkaasi deganaayen.

You might also like More from author

Comments are closed.