Dhageyso:Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo Furey Kulan Wadatashi Arrimaha Dastuurka

75

Kulankan ay gudiyada la socodka iyo dib u Eegista Baarlamaaka FS Iyo Guddiga Madaxa banaan ee dastuurka ay la qaateen qaybaha bulshada  kulan wadatashi waxaana ka soo qaybgalay gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka FS ,Siyaasiyiin,waxgarad,culumaa’udiin, Ururada bulshada iyo bahda naafada ,

waxaa kulanka furay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka FS mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in fikirkooda ku aadan dastuurka ay ku biiriyaan gudiyadan,

Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah gudiga la socodka iyo dib u eegista Baarlamaanka FS iyo Muumino sheekh, Cumar oo iyadana ka mid ah Gudiga Madaxa banaan ee dastuurka ayaa sharaxaad ka bixiyay howlaha horyaala guddiyan waxayna   sheegeen  in ay diyaariyeen shaqo howleedkooda shacabka Soomaaliyeedna ay xogta ka aruurinayaan ,

Xoghayaha Golaha shacabka Baarlaamka FS Cabdkariin Xaaji Buux  ,Maxamed Cabdi yuusuf oo xilal kala dwan ka soo qabtay dowladihii Dalka soo maray Diini Maxamed Diini Madaxa sochensa ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka laga helo fikrado si dastuurkan KMG ah wax looga qabto ,

Kulankan maanta ayaa ahaa kulan Maalinle ah oo  ay gudiyada la socodka iyo dib u eegista Baarlamaanka FS Iyo Gudiga Madaxa banaan ee dastuurka ay la yeeshaan qaybaha kala gedisan bulshada iyadoo dhowaana ay kulan noocan oo kale ah ay la qaateen Culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Aqalka Sare

Abukaate Maxamad Cabdulle Saala

You might also like More from author

Comments are closed.