Maxkamdda Ciidamada Magaalada Kismaayo oo Kulan la Qaadatay Saraakiisha Ciidamada Kiinya ee Qaybta ka ah Hawl Galka Amisom

50

Kismaayo-1_12

Guddoomiye ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada ee Magaalada Kismaayo Bashiir Cumar Qamdariiran oo la hadlay qaar ka mid ah war baahinta Maxaliga ayaa sheegay in ay kulan la qaateen saraakiisha Ciidamada Kiinya ee qaybta ka ah hawl galka Amisom ee Gobolada Jubbooyinka.

Qamdariiran ayaa sheegay in kulankaasi ahaa mid inta badan Diiradda lagu saarayay ammaanka guud ee Goboladaas iyo sidii loo sii adkayn lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in Maxkamadda iyo Ciidamada amsiom iyo kuwa Jubba landba ay ka dhaxayso wadashaqayn joogta ah isla markaana  Ciidamadaas Denbiilayaashii ay soo qabtaan loo soo gudbiyo maxkamadda Ciidamada ee kismaayo.

Guddoomiye ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada ee Gobolka Jubada Hoose ayaa tilmaamay in ammaanka magaalada Kismaayo uu xiligan yahay mid aad u wanaagsan isla markaana Ciidamada maamulka jubba Land oo hoos taga waa siduu hadalka u yiriye Dawladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwo xiligan ku filan wax ka qabashada ammaanka guud.

Bashiir ayaa hoosta ka xarriiqay in guud ahaan Ciidanku haatan heegan ku jiro si loo xaqiijiyo habsami u qabsoomidda doorashada Madaxtinimada Jubba land oo maalmha soo socda la filayo in ay halkaa ka dhacdo.

Bashiir Qamdariiran ayaa ugu danbayntii Raja wanaagsan ka muujiyay in wax badan ay ka qabn doonaan ammaanka Magaalada kismaayo  iyo degaanada ku hareeraysanba isagoona xusay in ay ka hor tagayaan cid kasta oo isku deyda inay wax u dhnto ammaanka.

Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada hoose ayaa iminka waxaa ku sugan illaa iyo kow iyo Toban Musharax oo midi ay haweeney ay tahay kuwaasoo isau diyaarinaya doorashada madaxtinimo ee dhawaanta la filayo in ay halkaa ka dhacdo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.