Magaalada Baydhabo oo lagu toogtay Sarkaal Sare oo ka tirsan Ururka Al Shabaab

23

Muscab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysteen inay nolosha ku toogtaan Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Sarkaalkaan oo maal mahaanba si dhuumaaleysa leh u joogay Magaalada Baydhabo, ayaa wuxuu xalay uu ku dilay nin ay ehelo yihiin, oo la sheegay in uu murun ka dhex taagnaa.

Ciidamada Dowladda oo ku soo baxay dhawaqa rasaasta, ayaa waxay ka war heleyn ninkaan oo nin kale dilay, iyadoo Ciidamada Dowladda ay ku guuleysteen in isna ay dilaan.

Ninkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Gudoomiyihii Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay ee Ururka Al Shabaab, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Baay ee Dowladda Col. Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa wuxuu sheegay in Sarkaalka la dilay uu ahaa Gudoomiyihii Al Shabaab ee Degmada Buur Hakaba.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.