Maamulka cusub ee G/Banaadir oo sheegay inay dardar gelin doonaan shaqada maamulka

51

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Maamulka Gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda Maxamed C/llaahi Tuulah ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isagoo ka soo laabtay safar uu ku joogay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Maxamed Tuulah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha, gaar ahaan qeybta VIP-da, xilliga uu soo degay Guddoomiye kuxigeenka, waxaana uu goor sii horeysay ku sii sagootiyay garoonka Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta u ambabaxay Switzerland.

Shir jaraa’id oo ay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka ku qabteen qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha ayaa waxay sheegeen inay dadar gelin doonaan shaqada maamulka.

You might also like More from author

Comments are closed.