Taabit Oo Ka Hadlay Sababtii Xilka Looga Qaaday , Maxuu Haatan Go`aansaday?.

33

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa caawa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay, kadib hadal uu siiyay warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Thaabit ayaa marka hore sheegay inuu aqbalay xilka qaadistii xalay uu saakay ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Maxamed Farmaajo, si nabad ahna uu xilka u wareejiyo, uuna magacaabi doono guddi ka shaqeeya Munaasabadda xil wareejinta.

 

 

Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa xalay la wareegay ciidanka ilaalada Madaxtooyada, iyaga oo saakay in ay shaqo tagaan u diiday shaqaalaha Dowladda hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna magacaabay Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow iyo Afar ku xigeenadiisa.

Xilka qaadista Thaabit ayaa soo dadejisay kadib markii xalay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo dad kale oo la isku wacay ay sheegeen in Thaabit ay u doorteen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

Post Comment

 

 

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.