Barre Hiiraale oo gaaray Magaalada Kismaayo, si aan caadi ahayna loogu soo dhaweeyay

34

Hiiraale

Barre Aadan Shire oo ay dadka qaarkii u garanayaan Barre Hiiraale ayaa wuxuu gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saqdii dhexe ee xalay ayuu Barre Aadan Shire uu gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo si’aan caadi ahayn ay ugu soo dhaweeyeen dadka reer Kismaayo.

Barre Hiiraale oo Deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu dib uu Magaalada uu ugu soo laabtay muddo lix sano kadib.

Barre Hiiraale ayaa wuxuu Magaalada Kismaayo uu ka maqnaa tan iyo markii ay Xoogaga Shabaab, ay dagaalo kula wareegeen Magaalada Kismaayo, sanadkii 2007-dii.

Ilaa iyo iminka wax badan lagama garanaayo qorshaha uu Barre Hiiraale uu dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo, ha yeeshee waxay ku soo aadeysaa, xilli shirka Magaalada Kismaayo uu ka taagan yahay khilaafaad xoog leh.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.