Wasiirka Eng. yariisow oo kulan la yeeshey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holand

587

Idalenews:Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan En. Yariisow oo dhawaan halkaasi Gaaray.

Wasiirka warfaafinta ayaa kulankaasi waxaa uu ku xog wareystay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Dalka Holand, kuwaasi uga warbixiyay xaaladda ay ku sugan yihiin.

Waxaa sidoo kale kulankaasi goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi iyo aqoonyahano kale.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (En Yariisow) Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holand xaalada dalka uu marayo iyo horumarada halkaasi kajira, iyo kaalinta Qurba joogta Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka qaataan horumarka dalkooda.

You might also like More from author

Comments are closed.