Ciidamada Gobolka Hiiraan oo kahor tagay weeraro gil gili lahaa Magaalada Baladweyne

37

baladweyne

Ciidamada Booliska ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay fashiliyeen oo ay kahor taggeen weeraro qorsheysan, oo uu ujeedku ahaa in laga fuliyo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Taliska Booliska ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegeen inay maqleen in dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab, ay maleygayaan weeraro ka dhan ah Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay ku guuleysteen, inay kahor taggaan weeraro ay maleygeysay Al Shabaab.

Taliyaha ayaa wuxuu tilmaamay inay gacanta ku soo dhigeen raggii weerarka ka fulin lahaa Magaalada Baladweyne, ayna xilligaan u xiran yihiin sida uu yiri Sharciga.

Col. Isaaq ayaa wuxuu ku goodiyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan Xoogaga Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay doonayaan, inay qal qal ammaan ka abuuraan Magaalada Baladweyne.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.