William Hague oo maanta yimid Magaalada Muqdisho

29

Hague

William Hague ayaa wuxuu maanta uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana Masuulkaan iyo wefdi uu hogaaminaayo lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

William Hague oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Britain, ayaa wuxuu Magaalada Muqdisho uu xilligaan uu kulan kula lee yahay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

William Hague iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kulankooda uu uga soconayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Britain ayaa waxay dooneysaa sidii maalmaha soo socda Safaarada Britain looga furi lahaa Garoonka Aadan Cadde, waxaana la filayaa in arintaasi ay ka wada hadlayaan.

Labada Masuul ayaa waxay isla gorfeen doonaan shirka Magaalada London ka furmanaaya ee looga hadlaayo arrimaha Somalia iyo Somaliland.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.