Dowlada Itoobiya ayaa beenisay in ay ciidamadeeda kala bixi doonto Dalka Soomaaliya

35

itoobiya
Wasiirka arimaha dibada Dalka itoobiya ayaa beeniyay warar dhawaanahaan sheegayay in ay dowlada Itoobiya ay ciidamadeeda kala bixi doonto dalka Soomaaliya si dhaqso ah.
Ra`iisulwasaaraha Dalka Itoobiya ayaa sheegay markuu Baarlamaanka Dalka Itoobiya ku hadlaaya magaalada Adis ababa ee xarunta Ethiopia in ay dowladiisu kaala soo bixi doonto ciidamadeeda Dalka Soomaaliya asigoo ku eedayay Dowlada iyo ciidamada Amison in ay kala wareegi diideen meelaha ay ka qabsadaan Al-shabaab.
War laga soo saaray wasaarada arimaha dibada ee dalka itoobiya ayaa lagu sheegay in aan warka aan loola jeedin in ay Dowlada itoobiya ay kala baxee ciidan keeda Dalka Soomaaliya balse kaliya lagu eedayay in aysan kala wareegin dowlada Soomaaliya dhulka ay ciidamada Itoobiya ka qabsadaan Al-shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.