Dowlada Britain ayaa ka hadashay ajandaha shirka Soomaaliya ee Londan

35

ERGAYGA UK
Wasiiru dowlada britaian u qaabilsan arimaha Afrika Mr Mark Simmonds ayaa sheegay in shirka la qaban doono 7 bisha may ay muhiimad weyn ugu jirto Dowlada Soomaaliya iyo Britain.
Mar uu ka hadlaayay Soomaaliland oo diiday ka qayb galka shirka ayuu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in ay maamulka Soomaaliland ay diidaan ka qayb galka shirka oo uu ku tilaamay mid muhiimad gaar ah u leh arimaha Soomaaliya oo ay Soomaaliland ku jirto.
Waxaa uu sheegay in uu ku farxsan yahay shirkii ka dhacay dalka Turkiga oo ay wadda yeesheen Soomaaliya iyo Maamulka soomaaliland oo ay ku heshiiyeen dhowr qodob oo muhiim ah.
Dowlada Britain ayaa qaban doonta shir leesugu keeni doono dhamaan maamulada ka jira Soomaaliya ayadoona qaybtii hore ee shirkaan lagu qabtay isla magaalada Londan ee Dalka Britain sanadkii hore ee 2012 ayaa waxaa xiligaa ka qayb galay madaxweyne Shariif.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.