RW Shirdoon iyo Xubno Ka tirsan Golahiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka oo booqday Xirooyinka Ciiddamadda

26

decferre

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Xubno Ka tirsan Golahiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa waxa ay Maanta Booqasho ku tageen Xirooyinka Ciiddamadda Dowladda Somalia.

Ra’isul wasaaraha iyo Mas’uuliyiintii la soctay ayaa waxaa ugu weynaa Goobaha ay Kormeerka ku tageen, sida Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, Dugsiga Tababarka ee Jenenar Kaahiye (Ex. Iskola Bolisiya), Xerada Jazeera, taliska Ciidanka nabadsugida Qaranka, taliska Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed, xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

Ra’isul wasaare Saacid inta uu socdaalkiisa ku guda jiray, ayaa waxa uu Ciiddamadda Dowladda Ogeysiiyay in looga baahan yahay inay dhowraan Hubka iyo Saanadda Qaranka Somaliyeed islamarkaana ay u dhabar adeegaan Howsha aadka u weyn ee ay ugu qeyb sanyihii Umadda Soomaaliyeed ee ku aadan difaacooda isagoo ugu Baaqay in Hubkooda aaney u Gacan Gelin Cadowga Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Ra’isul wasaaraha oo hadalkiisa wata ayaa waxa uu Ciiddamadad u ballan qaaday in Dowladda ay bixineyso Daweyntooda iyo Daryeelkooda wuxuuna si gaar ah u sheegay in Askarigii dhintaa ay Dowladda Dhabarka u dhiganeyso ka warqabka Caruurtooda.

“Booqashada aan saaka idiinkugu nimid waxay qeyb ka tahay dhiiragelinta ciidanka Qaranka, waxaana idiin cadeynayaa inaad tihiin rajada dawladnimada iyo dib u soo celinta qaranimada Soomaaliyeed” sidaa waxaa yiri Shirdoon oo la hadlaayay Ciiddamadda.

Ra’iisal Wasaare Cabdi Faara Shirdoon ayaa sidoo kale, kormeeray xarunta gobolka Banaadir oo saldhig u ah hay’addo kala duwan ka tirsan dawladda, waxaana halkaasi uu warbixin uga dhegeystay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isaga oo uga warbixiyay howlaha maamulkiisu ku howlan yahay iyo bilic soo celinta magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, RW Shirdoon ayaa waxa uu sheegay in Booqashooyinka Xiryaha ay tahay mid si gaar ah uu ugu dhiirigalinaayo Ciiddamadda Dowladda, wuxuuna sheegay in Booqashad ay waxbadan ka bedeleyso dhanka Ciiddamadda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.