Dowladda Norway: Muran ka taagan 4 caruur ah iyo sharcigii ka qaadatay muwaadin Soomaaliyeed

161

Idalenews:Dalka Norway ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyey dacwad u dhexeysa Dowladda Norway iyo muwaadin Soomaaliyeed oo Dowladda dalkaasi ay ka qaadatay caruur uu dhalay, taasi oo socotay muddo maalmo ah.

Aabe Soomaliyeed oo lagu magacabo Garase Abdullahi oo dhawaan Dowladda Norway ay kala wareegtay 4 Caruur ah oo uu dhalay, kalana Noqatay Sharcigii joogitanka dalkaasi, ayaa sheegay in Dowladda dalkaasi ay ku sameysay xadgudub, si sharci daro ahna lagula kacay.

Dhageysiga dacwada oo soo socotay muddo 3 maalmood ah, ayaa la soo gebagebeeyay, waxaana muwaadinkan Soomaaliyeed uu muujinaya in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo dacwadda laxiriirta caruurtiisa iyo sharcigiisa.

Garase Abdullahi waa 50 sana jir, wuxuuna markii ay soo dhamatay Maxkamadan oo xukunkeedi la sugo doono muddo dhan 2 ilaa 4 todobaad uga uu muujinayaa dareen rajo xumbaarsan, isagoo uga mahadceliyay dadkii Soomaaliyeed ee caawiyay iyo Preben Klovfjell o ah Qareenkii u doodayay halka ay soo gaarsiyeen dacwadiisa

You might also like More from author

Comments are closed.