Dekedda Berbera: Labo markab oo shil ku galay xili 1 milyen oo Ari ah laga dhoofinayo halkaasi

146

Muqdisho(idalenews) Mas’uuliyiinta Soomaaliland ayaa sheegay in ay isku dhaceen laba Markab oo ku xirnaa Dekedda magaalada Berbera ee Maamulkaasi.

Shilkani oo dhacay habeenimadii xalay,ayaa warku intaa ku daray in mid kamid ah labadaasi markab uu waxyeelo aan badneyn uu soo gaaray,kadib markii uu dhinac ka duusmay.

Magaalada Berbera ayaa waxaa ku xirnaa sedex Maxjar oo loogu talagalay in lagu ogaado caafimaadka xoolaha, ayadoo mas’uuiyiinta Soomaaliland ay sheegeen in xoolaha halkaasi laga dhoofiyo caafimaadkooda si aad ah loo hubiyay.

Axmed Xaaji C/llaahi oo kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in sanadkan 1 milyen oo neef oo ari ah dibadda loo dhoofinayo.

“Dekedda Berbera waxaa ka soconaya dhoofinta xoolaha ee sanadkan, 1milyen oo neef oo ari lab ah ayaa loo iibgeynayaa dibadda, midka dediga ah kuma jiro,wadamada Sucuudiga,Cumaan, Yeman iyo wadamo kale ayaa loo iibgeynayaa, hadda in kabadan 700 oo kun ayaa la dhoofiyay”, Sidaasina waxaa yiri Axmed Xaaji C/llaahi.

Sanadkan gudihiisa ayaa waxaa la filayaa in 1 milyen oo neef oo ari ah loo dhoofiyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka maadaama la joogo waqtigii

You might also like More from author

Comments are closed.