R/Wasaaraha XFS oo imtixaan u furey arady cusub oo ku biiraya Jaamacadda Umadda

117

Idalenews:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa furay imtixaan laga qaadayo qaar kamid ah ardayda dugsiyada sare ka soo baxday,kuwaasi oo ay qaadaneyso Jaamacadda Umadda.

Imtixaankaasi oo ay u fariisteen radaydaasi oo haatan ku soo biiraya Jaamacadda Umadda ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo qiimeyn lahaa tayada waxbarasho ee ardaydaasi ka so baxday dugsiyada sare, si ay ugu gudbaan waxbarashada sare ee heerka jaamacadeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan xubno katirsan wasiirada iyo maamulka Jaamacadda Umadda ayaa kormeerey imtixaanaadkaasi,iyagoo u kuurgalaya qaabka loo soo agaasimay habka imtixaanaadkaasi.

Mudane Xasan Cali Khayre’ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhiro geliyay ardaydaasi in ay sare u qaadaan aqoontooda, islamarkaana ay qeyb ka qaataan horumarka dalokooda.

You might also like More from author

Comments are closed.