Wasiir Juxa XDF iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Goordhow daah furay shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka.

161

Idalenews:
Home WARARKA GUDAHA WAR DEG DEG:- Wasiir Juxa iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Goordhow daah…
WARARKA GUDAHA
WAR DEG DEG:- Wasiir Juxa iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Goordhow daah furay shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka.
August 21, 2017 10 0

Kismaayo (SONNA):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta DFS Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa goordhow daah furay shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Jubbaland.

Munaasabadan oo hada ka socota magaalada Kismaayo waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka socda Maamulka Jubbaland, Wakiilo ka socda Midowga Yurub iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha Munaasabada lagu furayo shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka ayaa jeediyay aragtiyo kala duwan oo guul looga gaari karo shirkan.

Goordhow waxaa la filayaa in madasha ay khudbado ka jeediyaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxa, iyagoo ka hadli doona ahmiyada uu leeyahay shirkaan.

You might also like More from author

Comments are closed.