Muqdisho : Gudoomiyaha Barlamaanka oo ka hadley arimo ku saabsan amaanka Xildhibaanada

31

doorasho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo Ka Hor hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoonka Sare ee Baarlamaanka uu diyaariyay Qorshe wax Looga qabanayo Ammaanka Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Xaqiijinta Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xusay In La diyaarinayo Ciidamo Gaar ah oo Xaqiijiya Ammaanka Golaha Shacabka isagoona intaasi Raaciyay in La Keenayo Qalab dhinaca Ammaanka ah oo ay Marayaan dadka Galaya Gudaha Xarunta Golaha Shacabka.
Sidoo Kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Carabka ku dhuftay in Labada Bisha May Madaxweynaha Soomaaliya uu Codsaday in uu Horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya si uu u siiyo Warbixin Guud oo Ku saabsan Marxaladda uu waddanka uu Marayo.
Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Horay u Ballan qaaday in Lawado qorsho Lagu Xaqiijinayo Ammaanka Xildhibaanada iyo Ammaanka Guud ee Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.