Gobolka Sh/Hoo: Ciidamada huwanta oo la wareegay deegaanka Bariire ee

157

Idalenews:Ciidamada huwanta ayaa waabarigii hore ee saaka weerar dhowr jiho ku qaadan deegaankaas oo saldhig u ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ku dhex maray gudaha iyo daafaha deegaanka.

Lama oga in Ciidamada qabsaday deegaanka Bariire ay sii joogi doonaan iyo in kale, balse waxaa horay u jiray dhowr jeer oo weeraro sidan oo kale ugu qaadeen deegaanada Shabeellaha Hoose ayay dib isaga soo laabteen.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dib u gurasho ka sameeyeen deegaanka Bariire, waxaana ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanada kale ee ay ku sugan yihiin.

Bishii May ee sanadkan ayay aheyd markii askari Mareykan ah lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Bariire, markii ciidamada dowladda oo taageera ka helaya Ciidamo Mareykan ah ay weerareen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.

You might also like More from author

Comments are closed.