Dhageyso: Faysal Cali Waraabe oo si dadban u weeraray Puntland, kana hadley Mowfiqka Somaliland ee Shirkii Ankara

40

faysal

Gudoomiyaha xisbiga UCUD ee maamulka Sooomaaliland Faysla Cali Waraabe ayaa ka hadlay wada hadaladii dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh  iyo Maamulka la magic baxey Soomaaliland  ku dhexmaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Faysal Cali Waraabe ayaa jeediyay hadalo siyaasdeed oo meelo badan taabanaya isagoo soo hadal qaaday mooshinkii xildhibaan Prof.Cali Khaliif Galaydh hormuudka u ahaa ee lagu doonayay in Baarlamaanka la horkeeno heshiiskii Somalia iyo somaliland ku dhexmaray magaalada Ankara si looga doodo, mooshinkaas oo gudoomiyaha Baarlamaanku dib u dhigay. Sidoo kale waxaa uu Faysal Cali Waraabe si dadban u weerarey Puntland oo hadalkiisa laga dheehan karo in ay qas ku wadaan howsha ka socota Kismaayo ee dowlada ay rabto in ay garwadeen ka noqoto.

Faysal Cali Waraabe ayaa umahadceliyay Baarlamaanka Somalia weerar afka ahna ku qaaday xildhibaan Prof.Cali Khaliif Galaydh, Puntland iyo qaar kamida Beelaha daga Jubooyinka.
Hadalada Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda mid kala sii fogeynaayo Somalida una eg mid beelaha Soomaaliyeed qaarkood ka careysiinaaya iyadoo xaalada dalka uu maraayo meel xasaasi ah.

Hadalka Faysal hoos ka dhagayso
[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/04/Faysal-Cali-waraabe-Kismaayo.mp3]

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.