Ciidamo ka tirsan Guuta Kowaad oo manta soo garay Magaalada Kismaayo

50

puntland

 

Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaan in manta magaladaasi ay soo gareen  Ciidamo  ka tirsan Guutada kowaad   ee Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

Ciidamadan  oo ku hubaysan Gadiidka Dagaalka ayaa si nabad galiyo ah ku soo garay magaalada Kismaayo waxaayna markiba dageen Warshada  Hilibka oo ay horay u dagnayeen cutubyo ka tirsan  Ciidamada Guutada Kowaad.

Ciidamadaan ayaa waxaay mudo dhan 10 bari ku soo jireen Wadada u dhexeysa  Ceelwaaq iyo Kismaayo waxaana halkaasi ku helay robab mahiigan ah oo ka da,ay gobolka.

Captein Cabdilahi Musse bayow  oo ka tirsan  Ciidamada Guutada kowaad ee  manta soo galay ka tirsan ayaa waxaa uu warbaahinta u shegay in  ay Kismaayo u yimadan in ay ka qayb galan Howlgalada Amaanka Kismaayo iyo kan Gobolka Lagu sugayo  waxaa uu sido kale  sheegay in imatinkooda u ahaa mid la isla gartay  oo aysan jirin wax khilaaf ah.

Maalmihi ugu danbeyay Gobolka Jubbada Hose  ayaa waxaa soo garayay Ciidamo  aad u badan oo ka kala imanaya Gobolada ay ka koobantahay Jubbaland  waxana saraakisha ugu saraysa Ciidamada  Jubbaland ay qorshaynayaan in Marki Maamulka Jubbaland lagu dhawaaqo  ay horay ka bilaaban  Howlgalo lagu xoreynayo  Deeganada gacanta ugu jira Xogaga Al-Shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.