Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal shalay lagu baaba ay oo ku dhacay deegaanka Xeraale

143

Idalenews:Dagaalkii shalay kadhacay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen illaa 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro kabadan labaatan iyadoo dadka waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen maleeshiyaadkii dagaalamay.

Xaalada degaanka ayaa saaka degen balse waxaa jira cabsi laga qabo in markale dagaal uu dhex maro labada maleeshiyo oo isku horfadhiya deegaanka Xeraale.

Dagaalka ayaa sababay in boqolaal qoys ay ka barakacaan deegaanadooda,hase yeeshee waxaa socda dadaalo ay oday duqeyda iyo waxgaradka deegaanka kuwaasoo doonaya inay ku qaboojiyaan xiisada iyo in labada dhinac ay xabada joojiyaan.

Iskahorimaadka labada maleeshiyo ayaa ku soo noqnoqday deegaanka Xeraale iyadoo labada dhinac ay isku haystaan maamulka deegaankaas

You might also like More from author

Comments are closed.