Raa’isal Wasaarihii hore ee Somaliya oo talo wanaagsan u jeediyay Soomaalida

56

Gaas

Raa’isal Wasaarihii hore ee Xukuumadii Kmg ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu talo wanaagsan uu u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed.

Raa’isal Wasaarihii hore ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliya maanta looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan qaar ka mid ah Wadamada Carabta iyo weliba Dowladda Turkiga.

Waayo wuxuu sheegay inay si habsami leh ugu dhaqmaan dimuqraadiyada, iyadoo uu sheegay inaysan ka imaan wax dhibaatooyin ah, isla-markaana aysan kala kulmin wax diidmo leh.

Wuxuu sheegay in Diinta Islaamka iyo dimuqraadiyada aysan iska horimaaneyn, wuxuuna sheegay in Soomaaliya loo baahan yahay in lagu fidiyo Nidaamka dimuqraadiyada.

Haddii aysan iska horimaaneyn Diinta Islaamka iyo dimuqraadiyda, ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin sabab laga cabsado in dalka laga dhaqan geliyo Nidaamka dimuqraadiyada.

Dr. Gaas oo wax ka dhiga Jaamacada Magaalada New York, ayaa wuxuu si qurux badan leh uu uga sheegay khudbadiisa ku aadan in Somalidu ay qaadato Nidaamka dimuqraadiyada.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.