Jowhar: Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka oo goor dhow gaaray……

166

Idalenews:Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa waxaa diray Ra’iisul Wasaare Kheyre, si ay fara geliyaan xiisada siyaasadeed ee ka jira Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa, waxaa wehliya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Waxbarshada, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal.

Wafdigan ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Jowhar, iyagoo la kulmi doona dhinacyo kala duwan, lama oga qaabka ay ula macaamili doonaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka aheyd qorshaha xilka looga qaaday, isagoo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu bur burinayo Maamulka Hirshabeelle.

La soco wixii warar ee ku soo kordha

You might also like More from author

Comments are closed.