Deg deg: Barlamaanka K/g oo si aqlibiyad leh u ansixiyay golaha waziiradda dhawaam m/g oo soo magacaway

175

Idalenews: wararka hada naga soo gaarayo B/koonfur galbeed ayaa sheegaaya in manta si aqlibiyad ah u ansixiyeeyn waziirada goordhow uu soo magacaaway Madax weynaha koonfur galbeed.

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ku yeesheen magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka soo qeyb galay 123 Xildhibaan, waxaana ansixisay 112 Xildhibaan.

Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegay inay ansax tahay, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay guda geli doonaan Golaha Wasiirada howlaha loo igmaday.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Golaha Xukuumaddiisa ay xoogga saari doonaan arrimaha dib u heshiisiinta, dib u dhiska iyo amniga deegaanada.

Golaha Wasiirada Koofur Galbeed ayaa ka kooban illaa 57 Wasiir oo isugu jira Wasiiro, Wasiir kuxigeen iyo Wasiiru dowlayaal, waxaa Madaxweyne Shariif Xasan uu magacaabay todobaadyo ka hor.
Waxaa lagunadar daarmay in ay ka soo baxaan waajibaad kooda shaqo.

Waxaa sidoo kale laga filayaa in ay waajibaab kooda shaqo ka soo baxaan, u na adeegaan shacabkooda.

You might also like More from author

Comments are closed.